Baku, Azerbaijan – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Baku kulan kula yeeshay Wasiirka Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Adil Karimli.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan ee dhinacyada dhaqanka, fanka, is-weydaarsiga khibradaha iyo ballaarinta fursadaha iskaashi ee labada wasaaradood.
Wasiirka Dhaqanka ee Azerbaijan, Mudane Adil Karimli, ayaa soo dhaweeyay Wasiir Cabdifitaax Qaasim iyo wafdigiisa, isaga oo bogaadiyay taageerada ay Soomaaliya u muujiso Azerbaijan fagaarayaasha caalamiga ah. Wasiir Adil Karimli ayaa ballanqaaday in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada dhaqanka, tababarrada iyo horumarinta hay’adaha ka shaqeeya dhaqanka iyo fanka.
Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa dowladda Azerbaijan uga mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhaweynta loo sameeyay. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay qabanqaabada heerka sare ah ee madasha caalamiga ah ee lagu xoojinayo is-fahamka iyo wada-noolaanshaha dhaqamada kala duwan.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow, iyo La-taliyaha Wasiirka, Dr. Cabdicasiis Jeylaani.




