Garoowe – Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa qaabilay Qunsulka Itoobiya ee Puntland, Mr. Yidnekachew Tekle, oo ah ku-simaha madaxa qunsuliyadda (Chargé d’affaires).
Kulanka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Booliska Bulshada, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamed; Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Sugulle; iyo Xoghayaha Taliska Guud ee Booliska, Gaashaanle Dhexe Maxamuud Maxamed Cabdiraxmaan.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee ku nool gudaha Puntland, maadaama Ciidanka Booliska Puntland uu mas’uul ka yahay sugidda amniga gudaha ee guud ahaan deegaannada Puntland.
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan falalka lagu dhibaateynayo dadka ajaanibta ah ee ku nool deegaannada Puntland. Waxa uu xusay in Boolisku waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga iyo wax ka qabashada fal kasta oo amni-darro ah, cid kasta oo ay ku lug yeelataba, iyadoo la raacayo sharciga.
Sidoo kale, kusimaha taliyaha ayaa qunsulka kala hadlay muhiimadda ay leedahay dhowrista anshaxa, diinta iyo dhaqanka suubban. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga la xiriira soo qabashada iyo is-dhaafsiga dembiilayaasha isaga kala gudba labada dhinac.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta muwaadiniinta iyo dadka ajaanibta ah ee ku sugan Puntland, iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada.




