Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliland oo isku casilay heshiiska badda

0

HARGEYSA (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeyey ayaa sheegay inuu is casilay Axaddii.

 

Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu bixiyay, waxaana uu sheegay in is casilaaddiisu ay la xiriirto is-afgaradkii ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi. Waxa uu sheegay inuu isgau kaoso horjeedo heshiiskaas.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankiisu uu ka dambeeyey kulan ay yeesheen madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku kala aragti duwanaadeen.

Madaxtooyada Somaliland ayaan weli ka jawaabin hadalka wasiirka, iyo inay kulmeen madaxweynaha ka hor inta uusan is casilin.

Ka sokow wasiirka is casilay, Golaha Wasiirrada ee Somaliland ayaa kulan ay yeesheen saddexdii bishan Janaayo ku taageeray is-afgaradka. Wasiirrada warbaahinaha kala duwan ka sheegay inay taageersan yihiin is-afgaradka waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin.

Heshiiska waxaa ka soo horjeestay dawladda federaalka Soomaaliya, hase yeeshee waxaa difaacay dawladda Itoobiya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here