BAYDHABO, Soomaaliya — Dagaal culus ayaa saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada Laftagareen ay gudaha u galeen qaybo ka mid ah Baydhabo, halkaas oo ay ka dhaceen iska horimaadyo xooggan oo labada dhinac ay is-weydaarsanayeen rasaas iyo hub culus.
Ciidamada Laftagareen ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen qaybo ka mid ah magaalada, oo ay ku jiraan xaafado ku yaalla inta u dhexeysa Cunaay iyo Ceel Cabdi Shiraay. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegay in ciidamadaasi ay haystaan xerada Guutada Sagaalaad ee Boonkaay, isla markaana ay ku jiraan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, oo ay ka mid tahay Al-Faras.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen daryanka rasaasta culus iyo madaafiicda, iyadoo dagaalku uu cabsi weyn ku abuuray shacabka ku nool xaafadaha ay iska horimaadyadu saameeyeen.
Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa ka cararay goobaha uu dagaalku ka socdo, halka kuwo kalena ay magan galeen guryahooda iyo goobaha diimeed. Dad ayaa sidoo kale la sheegay inay hoy ka raadsadeen Masjidka Cambaha ee xaafadda Galgalgooban, iyagoo ka cabsi qaba rasaasta baadida ah iyo madaafiicda.
Afhayeen u hadlay ciidamada taabacsan Laftagareen, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay bilaabeen howlgal ka dhan ah fariisimaha ciidamada dowladda, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan inta uu dagaalku socdo.
Dhinaca kale, ciidamada dowladda federaalka ayaa la sheegay inay iska caabin kala hor yimaadeen ciidamada Laftagareen, waxaana weli socda dagaallo ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada.
Diyaarado dagaal ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay dul wareegayaan Baydhabo xilli xaaladda amni ee magaalada ay aad u kacsan tahay.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu muddo ka taagnaa khilaaf siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada ku loollamaya maamulka Koonfur Galbeed.
Laftagareen ayaa hore u ahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, halka dowladda federaalku ay taageerto maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Ilaa hadda lama xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana sidoo kale aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin baaxadda dhulka ay labada dhinac kala maamulayaan.
Xaaladda Baydhabo ayaa weli kacsan, iyadoo rasaas iyo madaafiic laga maqlayo qaybo ka mid ah magaalada. Dagaalka oo sii socda ayaa sidoo kale sare u qaaday walaaca laga qabo badqabka shacabka iyo in iska horimaadku uu ku fido xaafado kale.



