Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday magaalada Caad + Khasaaraha

0

CAAD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday ay ku qaadeen magaalada Caad oo dhacda koonfurta gobolkaasi.

 

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka iyo dagaalka xiigay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ka hortageen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar. Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka dowladdaa dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid ah mid kacsan, waxaana weli howlgallo ka wada Caad iyo agagaarkeeda ciidamada dowladda iyo kuwa macawiisleyda ee ka howlgala halkaasi.

Caad ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab, kadib guluf ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada isbaheysanaya ee ku sugan gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here