WFP oo Golaha Ammaanka uga Digtay Xaalad Gaajo oo Ba’an oo Soomaaliya Ka Taagan

0

Muqdisho – Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa Golaha Ammaanka uga digay in Soomaaliya ay wajahdo xaalad bani’aadamnimo oo sii xumaaneysa, iyadoo malaayiin qof ay hadda la tacaalayaan cunto yari iyo nafaqo-darro.

 

Ku-simaha Agaasimaha Fulinta ee WFP, Carl Skau, ayaa Golaha Ammaanka warbixin ka siiyay xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya, kaddib booqasho uu ku tagay qaar ka mid ah goobaha ay dhibaatadu sida weyn uga jirto, oo ay ka mid tahay degmada Burhakaba.

Sida uu sheegay Skau, ku dhawaad lix milyan oo qof, oo u dhiganta ku dhowaad saddex-meelood meel dadka Soomaaliya, ayaa wajahaya cunto yari ba’an. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin iyo gargaar, xaaladdu ay horseedi karto nafaqo-darro sii baahda iyo dhimasho badan.

Xaaladda bani’aadamnimo waxaa sii xumeeyay isku-darka abaaraha iyo masiibooyinka kale ee cimilada, colaadaha hubeysan iyo sare u kaca qiimaha badeecadaha aasaasiga ah. Amni-darrada ka jirta gobolka iyo dhibaatooyinka ku yimid silsiladaha sahayda ayaa sidoo kale sare u qaaday qiimaha cuntada iyo kharashaadka lagu gaarsiiyo dadka u baahan gargaarka.

WFP ayaa sheegtay in ku dhawaad laba milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano la filayo inay sanadkan la kulmaan nafaqo-darro ba’an, halka ku dhawaad 500,000 carruur ah ay u baahan yihiin daaweyn degdeg ah oo lagula tacaalayo nafaqo-darrada daran.

Dhanka kale, howlaha gargaarka bani’aadamnimo ayaa wajahaya caqabado dhaqaale oo aad u weyn, iyadoo ay si weyn hoos ugu dhaceen lacagaha ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Hay’adaha gargaarka ayaa hadda haysta qiyaastii 10 boqolkiiba kheyraadkii ay haysteen xilligii jawaab-celintii abaartii 2022, taasoo WFP ku qasabtay inay hoos u dhigto tirada dadka ay si toos ah u taageerto. Waxaa la sheegay in boqolaal kun oo qof oo keliya ay hadda helayaan taageero, halka inta badan dadka u baahan gargaarka ay ka maqan yihiin adeegyada muhiimka ah.

Xaaladda ayaa si gaar ah u saameysay dadka ku nool xeryaha barakacayaasha, halkaas oo xarumo caafimaad iyo nafaqo oo badan ay xirmeen ama ay si weyn u yareeyeen adeegyada ay bixiyaan sababo la xiriira dhaqaale yari.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka ayaa ku baaqaya in tallaabo degdeg ah la qaado ka hor inta aysan xaaladdu gaarin heer ka sii daran. Waxay sidoo kale ku boorriyeen beesha caalamka inay kordhiso maalgelinta gargaarka, ilaaliso marinnada sahayda, taageerto hab-nololeedka dadka ku tiirsan beeraha iyo xoolaha, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu caawinayo bulshada nugul.

Khubarada caafimaadka iyo hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in aan la sugin oo keliya ku dhawaaqista rasmi ah ee macaluusha, maadaama tallaabo degdeg ah oo la qaado xilligan ay muhiim u tahay badbaadinta nolosha dadka iyo ka hortagga in Soomaaliya ay mar kale wajahdo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here