Wufuud kala duwan oo kusii qul-quleyso magaalada Garoowe + Ujeedka

0

GAROOWE (SMN) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan soconaya qaban qaabadii ugu dambeysay ee xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

 

Wufuud kala duwan ayaa kusoo qul-quleysa Garoowe, kuwaas oo ka qayb galaya caleema saarka madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka, taas oo dhaceysa 25 bishaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo Wariyeyaasha la hadlay ayaa ka warbixiyay munaabsadda caleema saarka iyo sida ay ugu diyaar garoobeen.

Puntland ayaa waxaa sideedii bishan ka dhacday doorasho dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni, halka ku xigeenkiisa loo doortay Ilyaas Lugatoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here