Xafiiska Hantidhowrka Guud oo ka qeybgalay aqoon-is-weydaarsi ay ARABOSAI ku qabatay Tunisia

0

Tunis, Tunisia: Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay aqoon-is-weydaarsi uu Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Dalalka Carabta (ARABOSAI) ku qabtay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, intii u dhexeysay 1-da ilaa 5-ta September ee sanadkan.

 

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa diiradda lagu saaray Heerarka Xisaabaadka Maaliyadda ee Hay’adaha Dawliga ah (IPSAS), gaar ahaan IPSAS 1 iyo IPSAS 3.

Ka qeybgalayaashu waxay wadaageen aqoon ku saabsan diyaarinta iyo soo-bandhigista warbixinnada maaliyadeed, dejinta siyaasadaha xisaabaadka, dib-u-eegista qiyaasaha xisaabeed marka xog cusub soo baxdo, iyo saxidda khaladaadka ku jira warbixinnada maaliyadeed.

Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu sidoo kale fursad u ahaa is-weydaarsiga khibradaha la xiriira adeegsiga heerarka IPSAS iyo sida ay uga qeyb qaataan tayeynta warbixinnada maaliyadeed ee hay’adaha dowladda.

Ka qeybgalka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, laguna xoojinayo tayada Baarista Maaliyadeed, iyadoo la raacayo heerarka xirfadeed ee caalamiga ah.

May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here