IRC iyo Wasaaradda Caafimaadka oo Muqdisho ku kulmay tayeynta adeegyada caafimaadka

0

Muqdisho – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa hay’adda IRC, ayaa 10-ka Sebtembar 2026 magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Saddex-biloodle ee Golaha Farsamada Qaranka ee Tayada Adeegyada Caafimaadka (National Quarterly Quality of Care Technical Working Group Meeting).

 

Shirka oo lagu qabtay Hotel Peace ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Wasaaradda Caafimaadka, hay’adaha bahwadaagta caafimaadka, Qaramada Midoobay, ururrada caafimaadka, isbitaallada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee ku lugta leh horumarinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tayada iyo badbaadada adeegyada caafimaadka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa hannaan qaran oo mideysan oo lagu hubiyo, lagu cabbiro, laguna horumariyo tayada daryeelka caafimaadka.

Ka qeybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen caqabadaha jira, dadaallada tayada caafimaadka iyo baahida loo qabo in la mideeyo hababka iyo agabka lagu qiimeeyo adeegyada caafimaadka, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo tayo leh, ammaan ah, wax-ku-ool ah oo ku saleysan habraacyada iyo caddaymaha caafimaad.

Mas’uuliyiintii ka qeybgalay shirka ayaa xusay muhiimadda tayada adeegyada caafimaadka iyo doorka ay ku leedahay badbaadada bukaanka iyo horumarinta caafimaadka bulshada, gaar ahaan tayada adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Waxay sidoo kale tilmaameen baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamyada tayada, kormeerka iyo isla-xisaabtanka, si loo yareeyo sababaha dhimashada hooyada iyo dhallaanka, loona hubiyo in hooyooyinka iyo dhallaanku helaan adeegyo ammaan ah, tayo leh oo waqtigooda ku habboon.

Ugu dambeyn, Madaxa Qaybta Tayada Adeegyada Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Hassan, ayaa soo xiray shirka, isagoo bogaadiyay doodihii, talooyinkii iyo fikradihii wax-ku-oolka ahaa ee ay soo jeediyeen ka qeybgalayaashu.

Dr. Hassan ayaa caddeeyay in Wasaaraddu ay daba-gal ku sameyn doonto qodobadii lagu heshiiyay, isla markaana ay ka go’an tahay diyaarinta Istiraatiijiyadda Qaran ee Tayada Daryeelka Caafimaadka, taas oo noqon doonta jihada guud ee lagu hagayo, lagu cabbirayo laguna horumarinayo tayada adeegyada caafimaadka dalka.

Shirka ayaa sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashiga, isku-duwidda iyo isla-xisaabtanka dhammaan saamileyda caafimaadka, si loo xaqiijiyo horumar joogto ah oo ku aaddan tayada iyo badbaadada adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya.May be an image of one or more people and table

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here