Xasan Cali Kheyre oo dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay badbaadada dalka

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan badbaadada dalka, xilli Soomaaliya ay wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran.

 

Kheyre oo ka hadlay munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aas-aaskii ururkii gobannimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, ayaa sheegay in dhalinyarada ay door weyn ku leeyihiin ilaalinta midnimada, dowladnimada, iyo mustaqbalka dalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu badbaadinayo dalka iyo xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Sidoo kale, Xasan Cali Kheyre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dhalinyaro Soomaaliyeed ay wali xiran yihiin xilli loo dabaaldegayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in la dhowro xorriyadda iyo xuquuqda dhalinyarada.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here