Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay dastuurka iyo muddada xilka dowladda

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in dastuurka hadda jira uu yahay mid ay Soomaali ku heshiisay, islamarkaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo loona hoggaansamo.

 

Kheyre oo kulan la qaatay dhalinyarada magaalada muqdisho  ayaa ka hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, isagoo si gaar ah u xusay muddada xilka dowladda. Wuxuu tilmaamay in ay harsan tahay muddo kooban, oo uu sheegay in 25 maalmood oo keliya, taasoo uu ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo nidaamka dastuuriga ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ka digay tallaabooy dowladda ay ka waddo dhinacyada siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ee ka aragti duwan siyaasaddeeda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay jawi siyaasadeed oo furan, isla markaana la dhowro xorriyadda aragtida iyo ka qaybgalka siyaasadeed.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here