Jaamci “Eedaha loo jeedinayo wasiirka difaaca ma qabtaan, isagoo joogo furinta”

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Xasan Jaamici, isla-markaana haatan kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda Galmudug ayaa ka hadlay eedda culus ee loo jeediyay wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

 

Xasan Jaamici oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Media Network (SMN) ayaa sheegay in aysan jirin eeda loo jeedinayo wasiirka, balse uu yahay nin dadaalayo oo ku sugan furinta hore ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in weerarka afka ah ee lagu qaaday wasiirka uu yahay mid dano shaqsi laga leeyahay oo lagu beegsanayo Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

“Eedahaa loo jeedinayo wasiirka gaashaandhigga ma qabtaan wuxuu awooday inuu gaari Buruuf ah uu ku Socdo Mukayfna ku jiro ” ayuu wareysiga ku yiri Xasan Jaamici.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay uu dhaleeceyn xoogleh uu la kulmayay wasiir Jaamac, waxaana kamid ah dadka eedeeyay madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Eedda wasiirka ayaa soo shaac baxday, kadib weerarkii Coswayne oo lagu dilay askar badan oo tirsanaa ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here