Xasan Sheekh oo Galmudug ka sheegay in safarkiisu diiradda saarayay nabadda iyo midnimada

0

GALMUDUG, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xoojinta nabadda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed ay ahayd farriinta ugu weyn ee uu xambaarsanaa safarkiisa Galmudug.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa, halkaas oo uu bulshada kula wadaagay warbixin ku saabsan horumarka laga sameeyay arrimaha muhiimka u ah dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in horumar laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, dhammeystirka Dastuurka iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xoojinta hay’adaha dowladda iyo sugidda amniga ay weli yihiin arrimo muhiim u ah ajandaha qaranka, iyadoo la sii wado dadaallada lagu horumarinayo hannaanka siyaasadeed iyo dastuuriga ah ee dalka.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan ajandeyaasha qaranka, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ee Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha dowladeed, amniga iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here