Xeer ilaaliyaha Qaranka oo shaaciyay 18 mas’uul oo loo haysto Musuq-maasuq

0

MUQDISHO (SMN) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa soo bandhigay liiska 18 mas’uuliyiin dowladeed ah, kuwaas oo 9 kamid ah baxsad ka yihiin cadaaladda.

 

Eedaha loo jeediyey saraakiishan ayaa waxaa kamid ah xatooyo xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, lunsasho iyo leexsasho xoolo dadweyne, ka faa’iidayaysi xafiis dawladeed, iyo dayacaad waajibaadka saarnaa.

Eedaysanayaasha ayaa isugu jira sagaal eedaysane oo xiran iyo sagaal eedaysane oo maqane ah, waxayna kala yihiin:-

Halkan hoose ka aqriso:-

JOOGE

Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (06-08-2020.

Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (2015 – 2020

Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta

Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta

Saadir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta

Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta

Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga

Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta

Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

MAQANE

Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde.

Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim Shaqaale ka tirsan Waaxda Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey) Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Barigga.

Maxamed Idiris Axmed Madaxa Canshuuraha Dadban ee Wasaarada Maaliyadda.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimihii hore ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Cabdiqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Maxamed Cali Caadle Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaaniibta.

Abubakar Xasan Aadan Madaxii hore ee xaqiijinta Documents-ka Codsiga Visa kordhinta Waaxda Ajaanibta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here