MUQDISHO (SMN) – Malayshiya-beeleed hubaysan ayaa qabsaday tuulada lagu magacaabo OOD-LA’ oo ka tirsan degaanka Damalla-xagarre ee Gobolka Sanaag.
Malayshiyaadka ayaa sida wararku sheegayaan aasay barkadihii tuulada OOD-LA’ islamarkaana burburiyay dhismayaal halkaas ku yaallay.
Arrintaas ayaa salka ku haysa xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba beelood oo wada-degan Damalla-xagarre iyo nawaaxigeeda.
Colaadda labada dhinac oo soo noq-noqotay ayaa marar kala duwan sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labada dhinac kala gaaray.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
