Xiisad colaadeed oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag

0

MUQDISHO (SMN) – Malayshiya-beeleed hubaysan ayaa qabsaday tuulada lagu magacaabo OOD-LA’ oo ka tirsan degaanka Damalla-xagarre ee Gobolka Sanaag.

Malayshiyaadka ayaa sida wararku sheegayaan aasay barkadihii tuulada OOD-LA’ islamarkaana burburiyay dhismayaal halkaas ku yaallay.

Arrintaas ayaa salka ku haysa xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba beelood oo wada-degan Damalla-xagarre iyo nawaaxigeeda.

Colaadda labada dhinac oo soo noq-noqotay ayaa marar kala duwan sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labada dhinac kala gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here