XF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee weli ka socda Muqdisho  ayaa madaxdu waxa ay ka arrinsadeen qodobbada ajandaha shirka  oo sii socon doona inta la isla meel dhigayo dhammaan qodobbada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka dalka.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay ka doodeen arrimaha amniga, daah furnaanta doorashada iyo in la mudeeyo xilliga ay ku dhamaaneyso doorashada.

“Maanta maalintii 4aad ayuu galay shirka Golaha oo uu shir guddoominayo Eng, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,, Madaxdu waxa ay maanta sii wadeen doodaha ku aadan arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in si deg deg ah xal looga gaaro, si loo dar dargeliiyo, loona dhameystiro doorashada”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxdu ay yeesheen doodo aad iyo aad u qoto dheer oo muhiim u ah mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed, isla markaana meelo badan horumar laga sameeyay, isagoo intaa ku daray in shirku uu ku socday jawi aad iyo aad u wanaagsan, ayna sii socon doonaan doodaha shirka, lana rajeynayo inay madaxda isla meel dhigaan qodobada horyaalla oo ay ka midyihiin misiirka dalka iyo dar dargelinta doorashooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here