Xiisad Ka Xoogan Taagan Xarunta Canshuurta ee Degmada Afgooye

0

Afgooye, Soomaaliya – Waxaa laga soo waramayaa xiisad culus ka taagan xarunta canshuuraha iyo saldhigga booliiska ee degmada Afgooye, kadib muran la xiriira nidaamka ururinta canshuuraha.

 

Ciidanka Daraawiishta Koonfur-Galbeed ay hareereeyeen xarunta degmada iyo saldhigga booliiska, iyagoo maalintii labaad ka hor taagan in la qaado canshuurta ka soo xaroota mootooyinka ka shaqeeya gudaha degmada.

Wasaaradda Maaliyadda ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu xannibayo habkii hore ee canshuur ururinta, isla markaana ay doonayso in dakhligaasi si toos ah ugu soo xaroodo akoonka Wasaaradda ee magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, maamulka degmada Afgooye ayaa si adag uga horyimid go’aankaas, iyagoo ku adkeysanaya in dakhliga canshuurta lagu maareeyo gudaha degmada si loogu adeego baahiyaha deegaanka.

Xaaladda ayaa keentay in uu istaago gebi ahaanba shaqadii xarunta degmada iyo saldhigga booliiska, waxaana jirta cabsi laga qabo in xiisaddu isu beddesho gacan ka hadal haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here