Dhuusamareeb – Warar dhiilo leh ayaa laga soo sheegayaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug iyadoo wali la isku heysto qaabka dowladdu ay u wajahayso Doorashada Galmudug.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu go’aan saday in Musharaxa JSP uu noqdo Liibaan Axmed Xasan, isla markaana uu noqdo Madaxweynaha Galmudug.
Mahad Salaad oo mudo dheer ay saaxiibo ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna doonaya inuu noqdo Musharaxa dowladdu wadato ee u tartamaya xilka Madaxweynaha Galmudug, hadii intaas aysan dhaceyn la qabto doorasho qof iyo cod ah oo cadaalad ah oo lagu tartami karo.
Wararka ka imaanaya dhanka Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegaya in Taliyuhu uu xal u arko in dowladdu ay wada hadal ku wajahdo arrimaha Galmudug oo laga fo’gaado dagaal inta laga baaqsan karo.
Dhanka Axmed Qoorqoor oo hadda ah Madaxweynaha Galmudug ayaa dhankiisa ku jira ciidan aruursi uu ka wado magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, taas oo muujinaysa in xaalada Galmudug ay yeelan karto waji kale.




