Xildhibaan xog cusub ka bixisay darawalkii Maxamed Farmaajo oo la waayay

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Faadumo oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay maqnaashaha darawalka madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo la waayay todobad kahor.

 

Xildhibaanada oo war fidiyeenka kula hadleysay banaanka xarunta ay ku howlgalaan ee Villa Hargeysa ayaa xaqiijisay maqanaashaha darawalkaas oo lagu magacaabayay Sahal Maxamed Xirsi.

Warar lagu lagu faafiyay baraha bulshada ay ku xiriirto ayaa lagu sheegay in Sahal uu ku biiray Al-Shabaab, balse xildhibaan Faadumo ayaa arintaasi ku tilmaamtay mid been abuur ah.

Sidoo kale Faadumo oo metasho darawalka maqan ayaa sheegtay in la waayay maalintii uu Farmaajo u ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ugu dambeyn laamaha ammaanka ee dowladda ayey ka dalbatay in la soo caddeeyo, halka uu jiro Sahal oo ahaa darawalka madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here