Xildhibaanada labada Aqal oo dhageystay hadal jeedinta xubnaha musharixiinta

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka iyo xubnaha golaha Aqalka sare ayaa maanta oo sabti ah dhageystay hadal jeedinta musharaxiinta isku diiwaangeliyay tartanka guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, iyadoo sidoo kale, beri la dhageysan doono khudbadaha musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2-aad.

Musharax kasta oo u tartamaya xilka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa la siiyay min 15-daqiiqo oo hadal jeedin si uu ugu soo bandhigo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsiga uu u jeedinayo xildhibaanada go’aanka ka gaaraya codeyntiisa.

8-musharax ayaa isku diiwaangelisay xilka guddoomiyaha golaha shacabka,waxayna kala yihiin

  • Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan
  • Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig
  • Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black
  • Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor
  • Xildhibaan Xasan Cabdinuur
  • Sadiq Cabdullaahi Cabdi
  • Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
  • Xildhibaan Adan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)

Dhanka kale, Golaha Aqalka sare waxaa ka socda dhageysiga hadal-jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Aqalka sare, guddoomiye ku-xigeen 1-aad iyo 2-aad.

Senatarada u tartamaya guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen ayaa waxaa si isku mid ah loo siiyay mid 20-daqiiqo oo uu mid walba ku soo bandhigayo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsigiisa.

3-musharax ayaa isku diiwaangelisay xilka guddoomiyaha Aqalka sare, 2-musharax guddoomiye ku-xigeenka koowaad halka 7-musharax ay isku diiwaangelisay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here