Xildhibaanada labada gole oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadda 2022

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay weheliyaan ku xigeennada labada Aqal ayaa shir guddoomiyay fadhiga kulanka wadajirka ah ee akhrinta 3aad ee Xisaab xirka sanad maaliyadeedka dowladda ee 2022-ka.

 

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 9-aad Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa ajndahiisu ahaa, akhrinta 3aad ee Warbixinta Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka 2022.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Sanatar Ibraahim Owgaab Cismaan iyo Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi ayaa Xildhibaannada labada Aqal ka hor akhriyay warbixinta akhrinta 3-aad ee xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii iyagoo mid mid u dul istaagay qoondooyinkii ku baxay Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka iyo Dawladaha Xubanaha ka ah DFS.

Intaasi kaddib cod loo qaaday xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022-ka, waxaana oggol ugu codeeyay 177 Xildhibaan waxaana Diiday 1 Xildhibaan waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Xildhinaan Biixi Iimaan Cige ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay ansixinta xisaab xirka sanad Maaliyadeedka Dowladda ee 2022-ka.

Sidoo kale fadhiga Wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraar Baarlamaan oo ay wadajir soo saareen ku taageeray Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan,in ay ku matasho dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

DHAMMAAD

Sidoo kale fadhiga Wadajirka ah ee labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraar Baarlamaan oo ay wadajir soo saareen ku taageeray Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, in ay ku matasho dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here