MUQDISHO – Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ka qaybgalay kulan wadajir ah oo ay dowladda Federaalka iyo ururrada mucaaradku ku yeesheen magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayuu ku sheegay in Farmaajo uu hoygiisa ku qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, kuwaas oo u gudbiyay farriin ay ka sideen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la xiriirtay shirka siyaasadeed ee loo qorsheeyay 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar.
Sida lagu sheegay bayaanka, Farmaajo ayaa taliyeyaasha u sheegay in shirkaasi u baahan yahay kalsooni siyaasadeed iyo hannaan loo dhan yahay, si wadaxaajoodyadu ugu dhammaadaan natiijo ay dhammaan dhinacyadu ku qancaan.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo dadaallada iyo doorka beesha caalamka ee gogosha wada-hadalka hore u dhigtay, isaga oo ku baaqay in wadaxaajoodka laga sii ambaqaado halkii lagu kala tegay 3-dii Sebtembar.
Xisbigu ma uusan faahfaahin sababta Farmaajo uusan uga qaybgelin kulankii wadajirka ahaa ee dowladda iyo mucaaradka, balse waxa uu si cad u beeniyay wararka sheegaya in Nabad iyo Nolol ay kulankaas ka qayb ahayd.
Bayaankan ayaa soo baxay xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Shirka la qorsheeyay bartamaha bishan ayaa la filayaa inuu noqdo fursad ay dhinacyada siyaasadeed kaga wada hadlaan khilaafaadkooda, kuna raadiyaan hannaan heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee dalka.



