Madaxda Maamul goboleedyada oo shir qarsoodi ah ku yeelanaya Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in inta badan madaxda maamul goboleedyada ay haatan ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle Media Network (SMN) u sheegay in madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay wada joogaan Nairobi, halkaas oo ay ka wadaan dhaqaaqyo siyaasadeed oo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in is arag ay yeesheen madaxweyne Laftagareen iyo dhiggiisa Deni, kuwaas oo haatan wajahaya xaalado siyaasadeed oo isku mid ah oo ku aadan doorashooyinka kusoo foodka leh Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale Puntland.

Labada madaxweyne ayaa haatan loolan adag kala kulmaya mucaaradka kasoo horjeeda, maadaama ay galayaan doorasho adag, waxayna iska xog wareysteen arrimaha ku geedaaman iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay suuragal tahay in iyaguna ay kulan yeeshaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo mar ahaa saaxibo, balse kala tegay kadib doorashooyinkii soo dhammaaday ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Nairobi ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa lagu kar karinayay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada, waxaana dhawaan lagu soo gabagabeeyay shirar ay yeesheen xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, taas oo keentay in xaaladdu ay kasii darto, maadaama ay go’aano culus soo saareen xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda maamulladaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla-markaana dowladda dhexe ay ku mashquulsan tahay dagaalllada ka socda dalka oo Al-Shabaab looga xoreeyay dhul ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here