Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday dalab uga yimid Abiy Axmed

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday casuumaad uga timid Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

 

Warar ay Shabelle ilo Madaxtooyada ah ka heshay ayaa sheegaya in Abiy Ahmed uu qadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Xasan isaga oo ka codsaday in ay wada kulmaan balse Madaxweynaha ayaa iska diiday madaama uu ku xadgudnay gobonimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Abiy in xadgudubka ay isaga iyo Dowladdiisu ku sameeyeen Madax banaanida Dalkeenna uu yahay mid aan looga hari doonin ilaa inta ay ka bixinayso Itoobiya raaligelin u dhiganta damaceeda guracan ee badda Soomaaliya.

Shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here