Muqdisho – 31-ka Oktoobar, Hawlgalka Kaalmada Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) wuxuu soo afjari doonaa muddadii kala-guurka ee labada sano ahayd, isaga oo soo gabagabeynaya hawlgalladiisa, si waafaqsan qaraarrada Golaha Ammaanka ee tirsigoodu yahay 2753 (2024) iyo 2809 (2025), kaddib codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Marxaladdan taariikhiga ah waxay soo afjaraysaa in ka badan 30 sano oo hawlgallo Qaramada Midoobay ay ka waday Soomaaliya, kuwaas oo lagu taageerayay nabadaynta, dowlad-dhiska, maamulka iyo dib-u-heshiisiinta dalka.
Sida ku cad khariidadda kala-guurka ee ay si wadajir ah ugu heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waajibaadkii UNTMIS waxaa loo wareejiyay hay’adaha Soomaaliya iyo hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay. Tallaabadan ayaa muujinaysa sida Soomaaliya uga go’an tahay inay si weyn ula wareegto mas’uuliyadda iyo lahaanshaha qaran ee ajendaheeda nabadaynta iyo dowlad-dhiska.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay horumarka laga gaaray dhismaha nabadda iyo amniga Soomaaliya tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu sidoo kale ammaanay go’aan-adayga iyo adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, inkasta oo ay wajahayaan caqabado badan, isaga oo aqoonsaday dadaallada ballaaran ee dalka uu ku soo maray safarka ka soo bilaabmay colaadaha ilaa soo kabashada.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa hay’adaheeda, sanduuqyadeeda iyo barnaamijyadeeda dalka ka hawlgala. Taageeradaas waxaa lagu fulin doonaa iskaashi lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaaliya, Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah, si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumar waara.
Isagoo aqoonsan caqabadaha waaweyn ee weli ka jira dhinacyada siyaasadda, amniga, bani’aadannimada iyo horumarka, Xoghayaha Guud wuxuu ku baaqay in Soomaaliya loo fidiyo taageero caalami ah oo joogto ah. Taageeradaasi waxay muhiim u tahay xoojinta horumarka la gaaray, horumarinta wada-hadalka siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta loo dhan yahay, dhismaha hay’adaha iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada joogtada ah ee lagu wajahayo khatarta Al-Shabaab, si loo suurtageliyo kala-guur amni oo tartiib-tartiib ah oo waara.
Xoghayaha Guud ayaa mahadnaq qoto dheer u jeediyay wakiilladiisii gaarka ahaa ee is-xigay, dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah ee UNTMIS iyo hawlgalladii ka horreeyay, iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay shaqada. Waxa uu aqoonsaday dadaalkooda iyo u heellanaantooda horumarinta nabadda iyo dowlad-dhiska, iyagoo inta badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag.
Waxa uu si gaar ah u xusay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee naftooda ku waayay iyagoo u adeegaya nabadda Soomaaliya, isaga oo muujiyay qadarin gaar ah oo uu u hayo naf-hurnimadooda. Ugu dambayn, Xoghayaha Guud wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso, si loo dhiso mustaqbal nabdoon, xasilloon oo barwaaqo ah.




