Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ay howlgal qorsheysan ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Barwaaqo oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaarey ee gobolkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka NISA.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in xubnaha la dilay oo aysan tiradooda shaacin ay damacsanaayeen inay ku soo weerar jidgal ah, balse ka hortageen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada NISA ee socdaal ku jiray ay markii dambe gaareen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here