Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal qorsheysan lagu laayay

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay in ka badan 20 ka tirsanaa Al-Shabaab.

 

Warasaxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ay iska kaashadeen ciidanka Xoogga dalk iyo kuwa saaxibada caalamiga ah.

“In ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa xustay in xubnaha la laayay ay isugu jiraan saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

“Howlgalkaan oo bartilmaameed ahaa ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku sugnaa Guri ku yaalla deegaankaas.” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo ayada oo shalay Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here