Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayay duqeyn ka dhacday Mudug

0

XARARDHEERE (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar dhanka cirka ah ku dilay kuw dhawaad 50 ka tirsan Al-Shabaab.

 

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan ku dhow Xarardheere, kaas oo lagu magacaabo Baraagta Gurguurte, waxaana kamid ah xubnaha lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabo Axmed Jiis, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku daba jira xubno kale oo ku cararay howdka, iyadoo shacabka deegaanka uga mahadceliyey sida ay uga go’antahay soo afjiradda Al-Shabaab.

Koonfurta Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana dhawaan tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday degmada Xarardheere, si uu u dhiirogeliyo ciidamada ku sugan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here