Safaaradda Mareykanka oo ka digtay weeraro ka dhici kara Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.

 

War qoraal ah oo ay safaaraddu soo dhigtay boggeeda ayey ku sheegtay in la joojiyey dhammaan dhaqdhaqaaqii shaqaalaha safaaradda Maraykanka berrito oo bishu tahay 9-ka April, 2024.

Sidoo kale waxa ay shegtay in darajada afraad ee muujisa heerka halista soo waajahan oo ah halbeeg ay adeegsato Wasaaradda Airmaha Dibedda ee Maraykanka inay shaqaynayso, sababtooo ah fal-dambiyeedka, falalka argagixsada, shaqaaqooyinka, arrimo caafimaad, aduub iyo burcad badeednimo oo dhici kara.

Ugu dambeyn safaaradda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Maraykanka inay qaadaan tallaabooyin feejignaan ah oo ay amnigooda ku sugayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here