Xukuumadda Soomaaliya oo baaq culus kasoo saartay xaaladda dalka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ee ka da’aya qeybo kamid ah gobollada dalka.

 

Guddiga oo ay qeyb ka yihiin xubno ka socda Golaha Wasiirrada, Hay’adda SoDMA, bulshada rayidka ah iyo culimada, ayaa waxaa la isku raacay in la qabto shir-weyne bulshada Soomaaliyeed lagula wadaagayo baaxadda dhibaatada ay roobabku geysteen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dedaallada socda ee gurmadka ah, isagoo sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay dedaal ballaaran ugu jirto sidii gargaar loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee roobabku ay saameeyeen.

Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan meelaha togagga ah ee webiyada u dhaw in ay taxadaraan, maadaama ay saadaashu tilmaamayso in roobab kale nagu soo foogan yihiin.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here