Xukuumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay shirka Golaha Wadatashiga

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka warbixiyey halka uu marayo shirka u socdo Golaha Wadatashiga Qaran.

Macalimuu oo qoraal soo saaray ayaa beeniyey wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegaya inuu burbur ku dhow yahay shirka u socdo Rooble iyo madax goboleedyada.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka:-

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran waxa uu galay maalinkii 4aad, waxa socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay.

Kulamda Madaxdu waa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah.

Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here