Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka, kuna baaqday wadahadal siyaasadeed

0

MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka ay shaacisay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo qeexaya qorshaha doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

 

War-saxaafadeed ay dowladdu soo saartay 15-kii Oktoobar, 2026, ayay ku sheegtay in jadwalku yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta dimuqraadiyadda dalka.

Dowladdu waxay sheegtay inay 18-kii bilood ee la soo dhaafay wadday dadaallo wadatashi iyo wada-xaajood oo loogu talagalay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed ay heshiis ka gaaraan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka.

Waxay intaas ku dartay in wadahadalladaasi ay sii socon doonaan, iyadoo ay ka go’an tahay in laga gaaro is-afgarad ballaaran oo ay wada taageeraan dhinacyada siyaasadda.

Xukuumaddu waxay ku tilmaantay soo dhoweynta jadwalka doorashooyinka iyo sii wadidda wada-xaajoodyada laba dadaal oo is-dhammaystiraya, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin ilaalinta xasilloonida, xoojinta midnimada qaranka iyo xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta.

Dowladda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran leh uga qayb qaataan wadatashiga, isla markaana ay iska kaashadaan qabashada doorashooyin nabdoon oo xoojiya kalsoonida shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Bayaanka dowladda ayaa imanaya iyadoo jadwalka doorashooyinka uu yahay arrin xasaasi ah oo ay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ku kala aragti duwan yihiin, gaar ahaan hannaanka doorashada iyo baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here