๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ง๐š๐š๐ก๐ข๐ฃ๐ญ๐š

0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.

 

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in horumarinta waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan , isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso casriyeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada.

โ€œManhaj tayo leh waa saldhigga waxbarashada, Xaruntani waxa ay noqon doontaa goob muhiim u ah horumarinta aqoonta jiilasha soo koraya,โ€ Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mashruucan cusub ee loo dhisayo dhaqaalaha dowladda ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran, ay ku xoojinayso adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo dhiso bulsho aqoon leh oo la jaanqaadi karta isbeddellada casriga ah.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in xaruntani ay isku xiri doonta waxbarashada iyo ardayga iyada oo ujeedku yahay u adeegidda mustabalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dib-u-dhisi doonto dhulkii heyโ€™addaha dowladda taasi oo shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay banneeyaan guud ahaan xarumaha dowladda maadama ay u baahantahay in danta guud loogu shaqeeyo.

May be an image of dais and text that says "JAMHUURIYADDA WASAARADDA WAXBA SMAHA XARUNI ALKA SOOMAALIVA SOOMA DOAHA YO TACLI MARINTA M arunta aruntaHorumari Horumarฤฑ 21Apri2026 21 April 1April 2026 HIJTA al-ku-dh vo leh ru ta sala mijtu rasho"May be an image of dais and textMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here