13 Wadan oo Ka Qaybgalaya Koobka Adduunka oo Dhaliilay Hadalkii Madaxweynaha UEFA

0

MUQDISHO – Koox ka kooban 13 dal oo ka qaybgalaya Koobka Adduunka ee FIFA ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareeyeen hadal uu jeediyay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA), Aleksander Čeferin, kaas oo ku tilmaamay tirada badan ee kulamada tartanka inay yihiin “wax aan xiiso lahayn”.

 

Čeferin ayaa muddooyinkii dambe khilaafyo kala dhexeeyeen Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaabka iyo ballaarinta tartamada caalamiga ah ee kubadda cagta.

Xiisadda labada dhinac ayaa sii xoogeysatay kaddib markii UEFA ay garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Cartan, u magacawday inuu dhex-dhexaadiyo tartanka UEFA Super Cup, wax yar kaddib markii loo diiday inuu galo Mareykanka si uu uga qeyb noqdo garsoorayaasha loo xushay in ay tartanka Koobka aduunka dhex-dhaxaadiyaan.

Dalalka bayaanka wadajirka ah soo saaray ayaa sheegay inay ka xun yihiin hadallada Madaxweynaha UEFA, iyagoo ku adkeystay in Koobka Adduunka uu yahay madal mideysa quruumaha isla markaana kor u qaadda horumarka kubadda cagta dunida oo dhan.

Dalalka bayaanka saxiixay waxaa ka mid ah Cabo Verde, Curaçao, Uzbekistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Haiti, Algeria, Tunisia, Morocco, Masar, Ghana, Senegal, Côte d’Ivoire iyo Koonfur Afrika.

Bayaan-ka ayaa muujinaya sida hadallada madaxda hay’adaha kubadda cagta caalamka ay mararka qaar u horseedi karaan muran iyo falcelin ka timaadda dalalka xubnaha ka ah, xilli uu sii xoogeysanayo loollanka u dhexeeya FIFA iyo UEFA ee ku saabsan maamulka iyo mustaqbalka tartamada kubadda cagta caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here