MUQDISHO – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal bartilmaameed ah ka fuliyay degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa dilay 14 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda.
Ciidanka Danab ayaa sidoo kale burburiyay keyd hub, walxaha qarxa iyo agab kale oo kooxdaasi u adeegsan jirtay qorsheynta iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan Al-Shabaab, isla markaana ay ku xaqiijinayaan amniga iyo xasilloonida deegaannada dalka.




