MUQDISHO – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay madasha Maalinta Sharciga iyo Maamul-wanaagga Cimilada 2026 (Climate Law and Governance Day 2026), oo ah kulan sannadle ah oo ay isugu yimaadaan hay’adaha ku shaqada leh sharciga, caddaaladda iyo arrimaha cimilada.
Madashan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta shuruucda la xiriira isbeddelka cimilada, horumarinta maamul-wanaagga iyo xaqiijinta isla-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah, si loo helo hannaan sharciyeed oo wax ku ool u ah wax ka qabashada caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.
Doodaha madasha ayaa si gaar ah salka ugu hayey ra’yiga talo-bixinta ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ Advisory Opinion), kaas oo la soo saaray 23-kii Luulyo 2025, isla markaana faahfaahinaya waajibaadka sharci ee dowladaha ka saaran wax ka qabashada isbeddelka cimilada.
Xoghayaha Joogtada ah ayaa intii uu kulanka socday carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in sharciga iyo caddaaladdu noqdaan udub-dhexaadka doodaha, siyaasadaha iyo tallaabooyinka lagu wajahayo isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, waxa uu xusay in wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimiladu ay u baahan tahay xoojinta maamul-wanaagga, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo dhiso hay’ado dowladeed oo awood u leh inay si hufan u maareeyaan dhaqaalaha loogu talagalay la-qabsiga saameynta cimilada iyo magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada aan laga baaqsan karin.




