MUQDISHO – Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Hindiya ayaa yeeshay wadahadallo ku saabsan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo diiradda la saaray horumarinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Jamhuuriyadda Hindiya, kaas oo ay hoggaaminaysay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan Arrimaha Baasaboorrada, Fiisaha iyo Muwaadiniinta Hindiya ee Dibadda (CPV & OIA), Marwo Sripriya Ranganathan.
Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo sidoo kale la isla soo qaaday sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay labada dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dowladood, si loo horumariyo danaha diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada shacab.
Wadahadalladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Soomaaliya iyo Hindiya ku doonayaan in ay ku xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, isla markaana ay u abuuraan fursado cusub oo iskaashi oo ku saleysan danaha labada dal.




