MUQDISHO – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa kulan is-xogwareysi ah la yeeshay garsoorayaasha iyo shaqaalaha Maxkamadda Sare, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta habsami-u-socodka shaqada iyo tayaynta maamulka hay’adda.
Guddoomiyaha ayaa kulanka ka jeediyey dardaaran ku saabsan muhiimadda ay leeyihiin hufnaanta maamulka, gudashada waajibaadka shaqo, ilaalinta anshaxa iyo masuuliyadda qof kasta saaran.
Waxa uu ku boorriyey garsoorayaasha iyo shaqaalaha Maxkamadda inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si daacadnimo, hufnaan iyo xilkasnimo leh, iyagoo dhowraya nidaamka iyo habraacyada shaqo ee hay’adda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta, is-fahamka iyo isku-duwidda waaxyaha kala duwan ee Maxkamadda, si loo xaqiijiyo hannaan shaqo oo hufan oo nidaamsan, loona horumariyo adeegyada garsoorka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in wada-shaqayn wanaagsan iyo masuuliyad-wadaag ay muhiim u yihiin kor u qaadista tayada adeegyada garsoorka iyo xoojinta kalsoonida bulshada ay ku qabto hay’adaha garsoorka dalka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa dhammaan garsoorayaasha iyo shaqaalaha ugu baaqay inay ilaaliyaan sumcadda iyo karaamada Maxkamadda Sare, isla markaana muujiyaan anshax, daacadnimo iyo masuuliyad shaqo oo ku dayasho mudan.




