GAROOWE(SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel Ciidan.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Amniga.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Puntland.
- Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
- Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD