Diiwaangelinta xubnaha musharixiinta madaxweynaha oo ka bilaabatay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaangelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo horey usoo noqday madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee qaatay shahaadada guddiga.

Sidoo kale xubnaha kale ee u  tartamaya ee xilka madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay iyaguna gaaraan xarunta Aqalka Sare oo ay hadda ka socota diiwaangelinta musharixiinta.

Doorashada madaxweynaha cusub ayaa dhaceysa 15-ka bishaan May, sida lagu cadeeyey jadwalka kasoo baxay guddiga doorashada ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here