Diiwaangelinta xubnaha musharixiinta madaxweynaha oo ka bilaabatay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaangelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo horey usoo noqday madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee qaatay shahaadada guddiga.

Sidoo kale xubnaha kale ee uĀ  tartamaya ee xilka madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay iyaguna gaaraan xarunta Aqalka Sare oo ay hadda ka socota diiwaangelinta musharixiinta.

Doorashada madaxweynaha cusub ayaa dhaceysa 15-ka bishaan May, sida lagu cadeeyey jadwalka kasoo baxay guddiga doorashada ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here