Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo lagu qarxiyay gobolka Bakool

0

XUDUR (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qarax miino oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Rabdhuure iyo Waajid ee gobolka Bakool.

 

Qaraxa kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidanka Itoobiya iyo xubnaha weerarka soo qaaday, kaas oo socday muddo ku dhow hal saac.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale weeraro kale  ayaa Al-Shabab waxa ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin degmooyinka Qoryooley, Baraawe iyo deegaanka Janaale oo ka wada tirsan Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, Koonfur Galbeed oo ay weli ku xoogan tahay Al-Shabaab ayaa waxaa la filayaa inuu dhowaan ka billowdo wajiga 2-aad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, waxaana ku soo biiraya waddamada dariska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here