GAROOWE (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay.
Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa.
Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalihii la soo dhaafay.
Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Horumarinta nolosha iyo bad-qabka dadka, duurjoogta, duunyada, habka ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, habka waara oo xaqiijiya mustaqbalka jiilka maanta, kuwa berrito Dib u hagaajinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka iyo saamaynta xun ee isbedelka cimilada.
Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin.
Dhinaca kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu.
Waxaa Oggol ugu codeeyay 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin.
Ugu dambeyntiina, waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga maamulka Puntland.