MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xubnaha Cusub ee Gollaha Wasiiradda maamulka ee uu shalay soo magacaabay.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale ayaa sidoo kale ka qeyb galay Munaasabadda Dhaarinta Xubaha Cusub.
Xubnahan lla magacaabay ayaa isugu jiro wasiiro, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeeno waxayna kala yihiin:-
Wasiiro
1-Ibraahim Aadan Cali (Najax) wasiirka cadaaladda iyo garsoorka
2-Xasan Cabduqaadir Maxamed wasiirka amniga
3-Nasra Aweys Sheekh Xuseen wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka
4-Mustaf Axmed Iidow wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare
4-Isaaq Cali Subag wasiirka baaraha iyo waraabka
6-Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) wasiirka dekadaha iyo gaadiidka
7-Maxamed Isaaq Ibraahim wasiirka macdanta iyo batrolka
8-Saciid Axmed Cali wasiirka dastuurka
9-Cabdifitaax Maxamed Cali (Abroone) wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda.
10-Eng. Diini Cabdinuur Maxamed wasiirka bay’ada iyo isbeddalka cimilada
11-Nuur Siidow Baaba wasiirka diinta iyo awqaafka.
Wasiir Dowle
1-Dr. Maxmed Ibraahim Nuur wasiiru dowlaha madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Wasiir ku xigeenno
1-Maxamed Xuseen Xasan (Cadaawe) wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka.
2-Maxamed Qays Xasan Maxamed wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha