Aqriso: Mareykanka oo xayiraad saaray hogaamiye ka tirsan Daacishta, Somalia

0

WASHINGTON (SMN) – Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa maaliyadda ee garabka Daacish uga dagaalama gudaha Soomaaliya.

 

Ninka ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaatay keenista dalka dagaalyahanada Ajaanibta ah, hub iyo saanad kale ay leedahay Daacish-ta Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale kale qaabilsan bixinta dhaqaalaha qaybaha kale ee Daacish ee Afrika, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka.

Dacaishta Soomaaliya waxay dakhligeeda inta badan ka soo saartaa canshuuraha gudaha, iyadoo bar-tilmaameedsato ganacsatada magaalooyinka waaweyn ee dalka, oo ugu horeyso Boosaaso, maadaama buuraha ku dhaw ay degan yihiin.

Xayiraada ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlay ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay Muqdisho ayaa Waxay sidoo kale isla soo qaadeen doorka ay Mareykanka ka qaadanayaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Sanadihii 2022 iyo 2021 Daacishta-Soomaaliya waxay heshay lacag lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doolar iyagoo ka aruuriyay ganacsiyada gudaha, kuwa wax soo dejiyo, xoolaha iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda maaliyadda Mareykanka.

Bishii Maarso ee sanadkan, Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn saartay 26 qof, oo ganacsato ay ku jiraan, kuwaas oo ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Dhammaadkii 2022, Wasaaradda Lacagta ee dalkan Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika.

Mareykanka ayaa sii wada taageerada uu siiyo Soomaaliya iyo saaxiibadayada kale ee Bariga Afrika si ay u carqaladeeyaan howlgallada Al-Shabaab ka hortagga mid ka mid ah ururrada ugu khatarta badan ee xiriirka la leh al-Qaacida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here