Madaxweyne Qoor Qoor oo guddoomiyay shirka amniga Galmudug + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa guddoomiyay shirka amniga, oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka maamulka mudane Cali Daahir Ciid.

 

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga Galmudug, gaar ahaan amniga caasimadda Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday dardar-gelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Qoo Qoor ayaa sidoo kale inta uu socday kulanka warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka, taas oo ku aadan xaaladda Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here