HARGEYSA (SMN) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Hargeysa ayaa ka hadlay xiisadaha ka jira maamulkaasi.
Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay hore usii socon doonto, isla-markaana ay dadaal ku bixin doonto qaddiyada aqoonsiga.
Sidoo kale wuxuu ku hanjabay in ay dagaal adag la geli doonaa cid kasta oo ku soo duusha Somaliland, si ay uga difaacaan dhulkooda.
Dhanka kale Biixi ayaa soo hadal qaaday doorashada Somaliland, wuxuuna sheegay in labada sano ee loogu daray xukuumaddiisa ay ku qaban doonto doorasho daah-furan.
Mucaaradka iyo bulshada rayidka ayuu sidoo kale ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, una u diyaar garoobaan ololaha doorashooyinka ka dhacaya guud ahaan Somaliland.
Hadalkan ayaa ku soo aadya, xilli ay haatan Somaliland wajaheyso xasarado xoogan, sida dagaalka Laascaanood iyo dhaq-dhaqaaqa jabhadda ku sugan buurta Gacan Libaax.