Taliyaha Ciidanka Dhulka oo dhagax-dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Dugsiga Tababarka Xananbuure

0

Xananbuure, Galmudug – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), oo booqasho shaqo ku jooga deegaanno ka tirsan Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa dhagax-dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Dugsiga Tababarka Xananbuure, si kor loogu qaado adeegyada caafimaad ee ciidamada ku sugan xerada.

 

Kadib munaasabadda dhagax-dhigga, Taliyaha iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha iyo macallimiinta dugsiga, kuwaas oo looga warbixiyay xaaladda guud ee ciidamada, heerka tababarkooda iyo manhajyada kala duwan ee ay qaataan. Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray tayeynta tababarka ciidamada, sare u qaadidda xirfadaha ciidan iyo xoojinta aqoonta askarta, si loo dhiso ciidan qaran oo leh karti iyo diyaar-garow sare.

Gabagabadii booqashada, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa saraakiisha iyo macallimiinta dugsiga ku wareejiyay siddeed neef oo geel ah, kuwaas oo loogu talagalay ciidamada ku jira dugsiga, si loo xoojiyo daryeelkooda iyo dhiirrigelintooda. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku horumarinayaan tayeynta tababarka, daryeelka askarta iyo kor u qaadista heerka diyaar-garowga ciidamada, iyadoo la xoojinayo kaabeyaasha muhiimka u ah xarumaha tababarka ciidamada.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here