Kampala, Uganda – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qayb galay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca (CDFs Meeting) ee dalalka ciidamadoodu ka qayb qaataan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee Soomaaliya, dib u eegista horumarka laga sameeyay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, xaaladda guud ee hawlgalka AUSSOM iyo taageerada uu helo, iyo xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda hawlgallada wadajirka ah ee u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM.
Intii uu socday kulanka, madaxda ka qayb gashay ayaa adkeeyay muhiimadda sii wadidda iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamadooda ku biiriya hawlgalka AUSSOM. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka, kor u qaadista awoodda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed iyo xoojinta la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa taageerada hawlgalka AUSSOM, iyadoo la eegayo qorshayaasha kala-guurka amniga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Ka qaybgalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee shirkan ayaa muujinaya doorka hoggaamineed ee ciidanka Soomaaliyeed ku leeyahay iskaashiga amniga gobolka iyo dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo awood u leh sugidda amniga, xasilloonida iyo difaaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




