Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay xubnom Shabaab ah

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo culus oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood oo xalay shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgalka dhacay aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Caanood ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen deegaannada Ceelbacad iyo Lix Irdood oo hoos yimaada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri, isla-markaana ay halkaasi jab xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaal kale oo ka dhacay Af-goobad khasaaraha ugu badan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, kadib markii la beegsaday goob ay isku uruursanayeen.

Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada ka hortageen gaari qarax waday, isla-markaana ay toogasho ku dileen darawalkii waday, ka hor inta uusan soo gaarin.

Xaaladda deegaanada howlgalka laga sameeyay ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hogaamintiisa Dhuusamareeb u tegay madaxweyne Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here